Wasiir Duraan Oo Lagu Soo Dhoweeyey Garoowe

Published: November 16, 2020

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowlada federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, Wasiirka wuxuu kormeeri doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu Wasiirka ku soo gaaray Garoowe, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran”

Hodan Siciid Xasan, Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan iniuu xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay Wasaaraddan ku taageerrayso..waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargaliyo ,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.”

Wasiir Duraan

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowlada federaalka Soomaaliya, waxaa ka loo uu xaqiijiyey in dhowaan la guda-gali doono taageero dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Booqasho ayaa wasiirka waxaa ku weheliyey saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay qeyb ka tahay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *