Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Colaada Ka Taagan Itoobiya

Published: November 18, 2020

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

Dowlada Soomaaliya ayaa wallaac ka muujisay isbdedlka ku yimid dalka Itoobiya, shacabka barakacaya iyo colaada sii socota, iyadoo ku baaqday in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay Tigrayga ka qabsadeen deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni, hadana ku wajahan yihiin caasimada Tigrayga ee Maqale.

Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeyn xoogleh ku waday nawaaxiga magaalada Maqale.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *