Mahdi Guuleed Oo U Jawaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya – VIDEO

Published: November 18, 2020

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dowlada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad maanta ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweyne kuxigeenka Kenya.

Mahdi Guuleed oo ka jawaabaya hadalka kasoo yeeray William Ruto ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Soomaalidu waqtigii masuul Soomaaliyeed wadan yeelan jirey, isagoo tusaale usoo qaatay doorashadii Feb-2017 lagu doortay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna bogaadiyey xildhibaanada Soomaaliyeed.

” Waxayna ogayn William Ruto iyo dadka la ra’yiga ahi ee dowladaha jaarka ah qaarkood noqon kara ama ahiba in Soomaaliya ay ka gudubtay wakhtigii mas’uul Soomaaliyeed wadan Yeelan jirey ku shaqayn jirey fikirka dalkaa “

Mahdi Guuleed

William Ruto, madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa xili uu ka hadlayey xayiraada ay dowlada Soomaalliya saartay qaadka Kenya wuxu sheegay inay xayiraada sabab u tahay dowlada hadda ka jirta Soomaaliya isla markaana ay wax walba hagaagi doonaan kadib doorashada soo socota ee Soomaaliya.

“Waxaa jiray xoogaa isfaham la’aan ah oo kadhex jirtay Kenya iyo Soomaaliya arinta badda. Waxay joojiyeen Qaadkeenna. Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saarayno labada arrimood laakiin doorashada ayaa gaabis ku ah hawsha. Waxaan rajeyneynaa markey doorashadu dhammaato, waxaan awoodi doonnaa inaan soo gabagabeyno wadahadallada ku saabsan dib u soo celinta ganacsiga, ”.

William Ruto

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *