Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Guddiga Doorashada

Published: November 18, 2020

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa mar uu waraysi siinayey Shabeelle Tv waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay doodda siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka dhanka ah guddiyada doorashada.

Rooble ayaa sheegay in guddigayada lagu soo xulay sida uu hadalka u dhigay sharuudo markii horeba lagu heshiiyay, isaga oo meesha ka saaray in Askar ka tirsan NISA ku jiraan guddiyada ay dowladdu magacaawday.

”Waxaa jira sharuudo lagu xiray qofka guddiyadan ka mid noqonaya oo ah in uu Soomaali yahay, in uu Muslim yahay, In uu horay maamul u soo qabtay, waa run Askarigu waa muwaadin Soomaaliyeed, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in hal Askari uusan ka mid aheyn guddiyada la soo magacaabay”

Ra’iisal Wasaare Rooble

Siyaasiyiinta mucaaradka ayuu ugu laabqaboojiyay in ay iska dhaafaan walwalka ay ka qabaan doorashada isaga oo yiri” walaalayaal walalka iska daaya, Annaga ayaa meesha idin jooga, doorasho leydinka boobayana ma jirto’; ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddiyada ayuu ku tilmaamay oo kaliya in ay yihiin kuwo farsamo oo kaliya, laakiin aysan aheyn xubnihii soo dooran lahaa xildhibaannada oo ka imanaya ergo ay beeluhu soo xusheen, waa markii ugu horreysay oo uu Ra’iisal Wasaaruhu si toos ah uga hadlo doodda ka taagan guddiyada doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *