Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Published: November 18, 2020

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaalka ku yaalla magaalada Hargeysa halkaas oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanyey.

Geerida marxuum Cumar Carte ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, iyagoona tacsi u diray qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay ra’iisal wasaaruhu.

Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ayaa lagu xasuustii marxaladihii kala duwanaa ee uu kasoo maray siyaasadda dalka, gaar ahaan xiligii loo magacaabay ra’iisal wasaaraha 1991, si uu u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha u galay magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *