Trump oo shaqada ka cayriyey sarkaalkii qaabilsanaa amniga Doorashada

Published: November 18, 2020

Madaxweynaha Maraykanka ee wakhtigiisa dhamaaday Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday Madaxii illaalinta Doorashada kadib markii uu sheegay in doorashada si wanaagsan oo xalaal ah u dhacday.

Christopher Krebs oo ahaa madaxii Waaxda Amniga Doorashada ee Wasaarada Amniga Gudaha ayaa todobaadkii hore shaaciyey in aysan jirin wax faro-gelin ah oo lagu sameeyey doorashadana u dhacday si wanaagsan.

Waxaa isaguna xilka iska casilay kuxigeenkii Waaxdaasi kadib markii xilka laga qaaday Mr.Krebs.

Qoraalka kasoo baxay saraakiisha qaabilsanaa amaanka Doorashada ayaa waji-gabax ku noqday Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Donald Trump oo weli ku doodaya in la musuq maasuqay tirinta cododka, kooxda Trump ayaa sidoo kale ku doodayey in la jabsaday qaar kamid ah computerada qaabilsanaa tirinta cododka, walow ay ku guuleysan waayeen in ay wax cadeyn ah soo bandhigaan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *