Turkiga oo ciidamo nabad illaalin u diray Azerbaijan

Published: November 18, 2020

Ciidamada Turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona illaalinta xabad joojinta la dhex dhigay dalalka Armenia iyo Azerbaijan.

Heshiiskaasi xabad joojinta ah ee todobaadkii hore lagu saxiixay dalka Ruushka ayaa sidoo kale qoraya in ciidamada ka socda Ruushka iyo Turkiga ka qeyb qaataan illaainta iyo dhaqangelinta xabad-joojinta.

Ciidamada Ruushka ayaa iyagu ka hawlgeli doona gobalka lagu dagaalamay ee Nagorno-Karabakh, halka ciidamada Turkiga ay ka hawlgali doonaan dhulka ay ka taliso dowlada Azerbaijan ee xaduuda laleh gobalkaasi.

Dalalka Faransiiska iyo Maraykanka ayaa shaki ka muujiyey in ciidamada Turkiga ay hawshan qabtaan, iyagoo arrintan ku eedeeyey Ruushka.

Armenia ayaa horey ugu eedeysay Turkiga inuu gacan militari siinayey Azerbaijan.

Ruushka, France iyo Maraykanka ayaa ka wada mid ahaan jiray guddi loo saaray sanado hore in ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isagu heshiiskan kasoo shaqeeyey ayaa iska fogeeyey eedeynta uga timid reer Galbeedka isagoo sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu guuleystay in xabada lagu joojiyo.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *