Afhayeenkii Isimada Puntland Garaad Ciid Oo Ku Geeriyooday Turkiga

Published: November 19, 2020

Afhayeenkii Isimada dhaqanka Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsaneyey.

Geerida Garaadka oo ka mid ahaa isimada ugu miisaanka culus deegaanada Puntland ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah eheladiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi ayaana door muhiim ah kasoo qaatay dhismihii maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyey geeridka madax kale, waxgarad, isimo, siyaasiyiin, aqoonyaan iyo masuuliyiin kale

Iyagoo Alle uga baryey inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *