Australia oo qiratay danbiyadii dagaal ee ciidamadeeda ka geysteen Afghanistan

Published: November 19, 2020

Militariga Australia ayaa shaaciyey natiijada baaritaan 4 sano socday oo lagu raadjoogay danbiyada lagu eedeeyey Komandooska dalkaasi inay ka geysteen wadanka Afghanistan.

Baaritaankan ayaa la bilaabay sanadkii 2016 kadib markii saxaafada iyo waliba askar kasoo jeeda dalkaasi ay banaanka keeneen danbiyadan ay sida qarsoodiga ah u geysan jireen ciidamada Australia ee ka hawlgalayey Afghanistaan.

Danbiyada ay geysteen ayaa lagu xaqiijiyey ugu yaraan 39 qof oo ay askartan si jees jees ah u dileen waxaana kamid ahaa maxaabiis la qabtay, beeralay iyo waliba caruur.

Taliyaha Ciidamada Australia Jeneraal Angus Campbell, oo warbixinta horudhaca ah u akhriyey saxaafada ayaa sheegay in ay qirayaan danbiyadan dhacay oo uu sheegay in si sharci daro ah askartooda dil ugu geysteen dad shacab ah, isagoona sheegay inay raali gelin ka siinayaan dowlada Afghanistaan iyo ehelada dadka la dilay.

Danbiyadan ayaa si gaar ah loogu soo oogay 25 askari oo kamid ah komaandooska Austraila ee loo yaqaan (Special Air Service Regiment) kuwaasi oo la sheegay in maxkamad lasoo taagi doono.

Falalka ay geysteen ciidamadan ayaa waxaa kamid ahaa inay askarta cusub ku dhiiri geliyaan ama ku khasbaan dilka qof shacab ah oo aan dagaal ku jirin si ay tababar uga dhigtaan qaabka dhiig-daadinta ama wax loo dilo oo ay u yaqaaneen (Blooding), falkan oo ah Danbi Dagaal, waxayna dilalkan dhaceen intii u dhaxeysay 2009 – 2013 sida lagu sheegay xogta ay militariga shaaciyeen.

Sida sharciga dalka Australia qorayo baaritaankan ayaa lagu wareejin doonaa Xeer ilaaaliyaha khaaska ah iyo Booliiska kahor intaan cadaalada la horgeyn askartaasi danbiyada galay oo qaarkood weli xilal hayaan halka kuwo kalena horey uga baxeen ciidamada.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *