Axmed Ciise Cawad Oo Xilkii Laga Qaaday, Diidayna Safiir Loo Magacaabay

Published: November 19, 2020

Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xilkii laga qaaday kadib markii uu ra’iisal wasaare Rooble xilkaas u magacaabay mas’uul kale oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirisaaq Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa wareegtada xilka qaadista ka akhriyay Telefishinka Qaranka, isagoona raaciyey wareegto kale oo kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo taasoo safiir aan dalkiisa la sheegin loogu magacaabay Axmed Ciise Cawad, hase ahaatee Cawad ayaa diiday xilka safiirka isagoo sheegay inaanu hadda diyaar u ahayn qabashada Xil dowladeed, haddii uu ahaan lahaa mid dibadeed iyo mid kale toona.

“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna” 

Axmed Ciise Cawad

Xil ka qaadista lagu sameeyay Cawad ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay bayaan ay uga hadleysay walaaca ay ka qabto xaaladda Itoobiya, laakiin markii dambe uu Wasiir Cawad bartiisa Twitter-ka ku sheegay in warbixintaasi aysan rasmi ahayn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *