Baarlamaanka Puntland Oo La Horgeeyey Miinsaaniyadda 2021

Published: November 19, 2020

Golaha Wakiilada Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee golaha ayaa la horgeeyey miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka 2021, taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyey miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taas oo dhan $341,861,037.

Xildhibaannada ayaa ku soo sameynaya akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.

Miinsaaniyadan ayaa waxaa horey usoo ansixiyey golaha wasiiradda Puntland, iyagoo sheegay inuu ka muuqday koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo dhan 5%.

Miinsaaniyaddii 2020 ayaa ahayd $346 milyan, halka tan 2021 lagu qiyaasay 341 milyan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *