Beesha Caalamka Oo Taageertay Doorashadii Hirshabeelle

Published: November 19, 2020

Beesha caalamka ayaa markii ugu horreysay war ka soo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar ee lagu soo doortay madaxda dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

War-saxaafadeed  ayaa lagu yiri Waxaan ku hanweynahay in aan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhawaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beeelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka Al-shabaab wax qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh Hirshabelle.

Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah  iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho. Waxaan dhiirigalinaynaa wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogusii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay.

Waxaan si gaar ah u sii adkeynaynaa in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, iyo xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda. 

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *