Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland

Published: November 19, 2020

Golaha wasiirada Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 19/Nov/2020 ayaa yeeshay shirka khamiislaha ee golaha kaas oo uu gudoominayey ku-simaha madaxweynaha Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda degmooyinka Puntland iyo xeerka dalxiiska ee Puntland.

Ugu horeyn madaxweyne kuxigeenku wuxu uga tacsiyeeyey odayaasha dhaqanka, isimada iyo guud ahaan shacabka Puntland geeridii ku timid alle ha u naxariiste afhayeenkii isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Cabdi Yare oo ka qaybgalay shirka ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey dadaalada lagu sugayo amniga Puntland iyo dardargelinta qorshayaasha ay wadaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa golaha la wadaagtay xaaladda degmooyinka Puntland gaar ahaan dhismaha golaha deegaanka ee degmada Iskushuban.

Sidoo kale wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha uga warbixisay heerka uu marayo faafitaanka fayraska Corona iyo dadaalada ka hortagga ah ee ay wadaan.

Ugu dambayn wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa golaha usoo bandhigtay hindise sharciyeedka dalxiiska kaas oo ay wasaaraddu soo diyaarisay kaas oo loo qaybiyey golaha wasiirada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan meshaan ugu soo qorin arimo Ku saabsan jiritaanka iyo amniga puntland.
    Sida sad dhamaantiin la socotaan waxa Ethiopia Ka taagan.
    Haddii aan Ka nimaano hub uruuriskii Ethiopia bad iyo biri , tasoo ay doonayeen inay Somalia Ku qabsadaan , oo si xasuuqa ugu qabsadaan , tasoo dadka ugu sareeya xukuumada Somalia ay Ethiopia horseed u ahayd oo u basaasaysay shacabka Somalia guud Ahaan.
    Waxaan shacabka puntland Kala talin ama xasuusin arimo arimo khatar Ku ah.
    Dagaalada maanta Ethiopia Ka socda maaha
    Kuwo sahal Ku dhamaan , waxayna lugaha la galin arimo kasii khatar badan .
    Ethiopia laba mikood ayey noqon dagaalada Tegray kadib.
    1. In dagaalo cusub qoomiyaha Ethiopia Ka dhex curto, taasna ay dhasho malaayiin Qaxooti an, oo puntland usoo tilaabaan, iyo dhibaatooyinka kasoo foodleh.
    2. Abi oo ah willkii Migisto Xayle Maryam ,wuxuu burburin ama tirtirin in Ethiopia Nidaam feederaalism Ka hirgalo , Dawlada
    Ethiopiana waxay gacanta u galin Amxaaro
    Taasaana keenin Dagaalo Cusub oo kaqarxa
    Shucuubta Ethiopia dhexdooda
    3. In Ethiopia iyo Aretareeya oo iskaa shanaya in ay Somalia qabsadaan, is Ku daygaas oo dhicin waqti ay noqotaba.