Raysal Wasaare Rooble Oo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Published: November 19, 2020

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, waxaana uu sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *