RW Rooble Oo La Kulmay Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Ee Heer Federaal

Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la qaatay guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Rooble oo howl-geliyey labada guddi ayaa faray inay ka fogaadaan wax waliba oo caqabad ku noqon kara doorashada soo aaddan, isla markaana looga fadhiyo inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Wuxuu ugu dambayn kula dardaarmay guddiga inay ka shaqeeyaan cadddaaladda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay ilaaliyaan qoondada Haweenka.

Horseed Media