Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Gaalkacyo

Published: November 20, 2020

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa caawa qarax lagula eegtay xili ay marayeen mid kamid ah wadooyinka qaybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararku waxay sheegayaan weerarkan oo ka dhacay agagaarka garoonka kubada cagta Gaalkacyo ayaa loo adeegsaday bom gacmeed, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ah, afar kalena waa ku dhaawacmeen, taliska qaybta booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaan.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa aad usoo hagaagayey tan intii Puntland iyo Galmudug ay bilaabeen iskaashi xagga amniga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *