Ethiopia: Tedros oo ka jawaabay Eedayntii Dowlada Abiy Ahmed

Published: November 20, 2020

Madaxa hay’ada caafimaadka Dunidda WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka jawaabay eedayn uga timid dowlada Federaalka Itoobiya oo ku eedaysay Tedros inuu gacan siinayo gobalka uu kasoo jeedo ee Tigrayga.

Taliyaha Ciidamada Federaalka Itoobiya Birhanu Jula ayaa ku eedeeyey Dr.Tedros inuu ka shaqeenayo in hub lasiiyo Tigrayga iyo waliba taageero diblumaasiyadeed.

Tedros oo horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya ayaa xilal dhowr ah kasoo qabtay dowladii hore ee xisbiga TPLF.  

Hase yeeshee Tedros ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu isagu taageersan yahay oo kaliya Nabadda.

Tedros ayaa sheegay inuu si weyn uga murrugeysan yahay xaalada ka jirta dalka Itoobiya iyo shacabka badan ee ka qaxay dhulkooda, isagoo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka.

Wuxuu sheegay Tedros inuu weligiis ka shaqeyn jiray nabadeynta isla markaana uu xasuusan yahay dhibaatooyinkii shacabka Itoobiya kasoo gaaray dagaaladii ay horey usoo mareen.

Xukuumada Abiy Ahmed ayaa dhinaceeda waday olole ka dhanka ah siyaasiyiinta iyo saraakiisha kasoo jeeda Tigrayga ee xilalka ka haya dowlada Federaalka, qaar kamid ah Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ee kasoo jeeda Tigrayga ayaa la sheegay in iyagan hubka laga dhigay.

Dagaalka u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo Maamulka Tigrayga ayaa horey looga digay inuu keeni doono dagaalo sokeeye oo salka ku haya qawmiyadaha dalkaasi kuwada nool.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *