Kheyre: ” Waxaan ka raalli-galiyay dhibkii 17kii December 2017 “

Published: November 20, 2020

Ra’iisal Wasaaihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya hadana ah musharax madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa hoygiisa ku booqday hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan cabdishakuur Warsame.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo geliyey bartiisa internetka ayaa sheegay inuu C/raxman ugu tagey inuu ka raaligeliyo falkii 17kii December 2017 ka dhacay hoygiisa kaas oo dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo ilaaladiisa.

” Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.”

Xasan Cali Kheyre

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ka hadlay kulanka dhexmaray isaga iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay siyaasiyiintii kale ee ku lugta lahayd weerarkaas inay ku daydaan Kheyre.

” Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”

Cabdiraxman Cabdishakur

Labadan mas’uul oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, kadib safaro ay ugu maqnaayeen dalka dibadiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *