USA: Joe Biden oo markale ku guuleystay dib-u-tirintii cododka Georgia

Published: November 20, 2020

Maamul gobaleedka Georgia ayaa dhameystiray dib-u-tirinta cododka doorashadii Madaxweynaha iyagoona xaqiijiyey markale in Joe Biden uu ku guuleystay cododka.

Gobalka Georgia oo ay muddo dheer kasoo talinayeen Xisbi Jamhuuriga ayey kadis ku noqotay Madaxwyenaha wakhtiga ka dhamaaday Donald Trump in looga guuleystay gobalkaasi oo kamid ahaa gobaladii uu ku tashanayey.

Maamulka Georgia oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa dib u tirinta cododka ka dhigay qaab gacanta lagu tirinayey si ay u xaqiijiyaan tirada rasmiga ah oo ay kala heleen Biden iyo Trump.

“…Dib u tirinta cododka ee gacanta ah ayaa lagu xaqiijiyey inay sax-saneyd tirintii hore ee uu computerka sameeyey…”

Xoghayaha Ismaamulka Georgia Brad Raffensperger

Biden ayaa codbixinta gobalka Georgia codod gaaraya 12,284 uga guuleystay Trump.

Guushan Biden ee gobalka Georgia ayaa noqoneysa tii ugu horeysay muddo ku dhaw 30 sano oo uu murashax Madaxweyne ee Dimuquraadiga ku guuleysto gobalkaasi.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *