Badhan: Aaska Afhayeenkii Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid – SAWIRO

Published: November 21, 2020

Afhayeenkii isimada Puntland, marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga ayaa maanta lagu aasay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Aaska marxuumka ayaa waxa ka qaybgalay Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland, kuxigeenidiisa, wasiiro, xildhibaanno ka tirsan DFS iyo dowladda Puntland, Isimo, maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale.

Iyagoo Alle uga baryey inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa ka mid ahaa hogaanka Isimada Puntland, isagoo qayb weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshada Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *