Ilhaan Cumar Oo Laga Taageeray Magaalada Qardho

Published: November 21, 2020

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta gobolka Minnesota ee dalkaas, ayaa xaflad taageero ah loogu sameeyey magaalada Qardho.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Qardho ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda Puntland gaar ahaan maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, siyaasiyiin, aqoonyahan, waxgarad, isimo, dhalinyaro, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay munaasabada iyo kuwii soo qaban-qaabiyey waxay hambalyo iyo duco u direen Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleystay aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, iyagoo sheegay inay tusaale u tahay haweenka Soomaaliyeed.

Qardho oo noqotay magaaladii ugu horeysay ee laga hambalyeeyo guusheeda labaad ayaa Ilhaan looga baaqay inay dib usoo eegto dhulkii iyo dadkii ay ka tagtay, waxaana looga mahadceliyey dadaalo ay ku bixisay waxbarashada degmada Qardho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *