Xarunta Garsoorka Puntland Oo Laga Dhagax-dhigay Magaalada Garoowe

Published: November 21, 2020

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta hay’adda Garsoorka Puntland ka dhagax-dhigay magaalada Garoowe.

Munaasabadda dhaggax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in Puntland ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisaleh Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey cidkasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *