2 Qof Ayaa Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Qardho Iyo Garoowe – VIDEO

Published: November 22, 2020

Shil Gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay wadada halbowlaha ah ee isku xirta magaalooyinka Puntland gaar ahaan Qardho iyo Garoowe ayaa waxa ku dhintay labo ruux.

Shilkan oo ka dhacay tuulada Shire oo hoostagta magaalada Qardho ayey gawaarida shilka gashay ahaayeen shan gaari oo xamuul ah kuwaas oo isugu jirey kuwa soconayey iyo kuwo taagan wadada dhinaceeda, waxaana haween ahayd mid kamid ah labadii qof ee ku dhintay shilkaasi.

Taliyaha qaybta nabadgelyada waddooyinka Puntland, Maamulka degmada Qardho, taliska qaybta booliska gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, maamulka degmada Dangorayo iyo masuuliyiin kale oo goobta gaaray ayaa sheegay inay baaritaan ku samaynayaan waxa sababay shilkaan.

Shilalka gawaarida ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey wadada halbowlaha ah ee isku xirta magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana ay dadka qaar u sababaynayaan masuuliyad darada dareewalada iyo wadada oo burbursan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *