Dowlada Soomaaliya Oo Ka Digtay Roobab Duufaano Wata Oo Ku Wajahan Gobolka Bari

Published: November 22, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin cusub kasoo  saartay duufaano xoogan oo kusoo wajahan Gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay inay sababi karaan burbur hantiyadeed iyo khasaaro kale.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duufaanta ay ku wajahan tahay gobolada xeebta ah ee Puntland gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosoaaso iyo deegaano kale.

“Labadii sanno ee ugu dambeeyay waxaa xeebeheenna ka dhacayay sanadkiiba laba duufaan, taas oo ina tuseeys sida uu Isbedelka cimiladu u saameynta ba’an ugu yeelan karo dalka taasina waxay inoo muujineysaa inay khatarta halista dabeyluhu kusoo badanayaan dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

Sidoo kale dowlada Puntland ayaa uga digtay dadka degan dhulka hooseeya inay muujinayaan taxadar dheeraad ah, isla markaana ka fogaadan halkaas ay degan yihiin, si aysan dhibaato uga soo gaarin roobabka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *