Duqa Xaafuun: “3 Qof Ayaa Dhintay, 6 Doon Ayaa Caaryey, Guryana Waa Dumeen” – DHEGAYSO

Published: November 22, 2020

Guddoomiyaha ahna duqa degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar Maxamuud Yuusuf Garow oo ka hadlay roobab duufaano wata oo ku dhuftay degmadaasi ayaa sheegay inay sababtay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Duqa oo u waramay Horseed Media ayaa sheegay inay heleen 3 nin oo Yamaniyiin ah kuwaas oo ay baddu soo caariday iyaga iyo lix doonyood oo labo burburtay, guryo badan ayuu sheegay inay magaalada ka dumeen.

Roobkan dabaysha wata oo shalay subaxdii ku dhuftay degmada Xaafuun ayaa ilaa iyo hadda ku da’aya, iyadoo ay isgaarsiintii magaaladuna go’day.

Halkan kala soco wixi warar oo kasoo kordha.

Hoos ka dhegayso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *