Maxamuud Waaberi Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka – VIDEO

Published: November 22, 2020

Maxamuud Waaberi Guure oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanka ee Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Xildhibaan aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xaflada shaacintiisa ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka gobolka Karkaar, siyaasiyiin, aqoonyahan, isimo, waxgarad, dhalinyaro, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho.

Dhamaan dadkii ka qaybgalay munaasabada ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Maxamuud oo ah nin dhalinyaro ah isla markaana la gaaray xiligii ay hogaanka dalka la wareegi lahaayeen dhalinyarada.

Musharax maxamuud Waaberi Guure oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa u mahadceliyey dadka kasoo qaybgalay shaacinta musharaxnimadiisa isagoo ka sheekeeyey waxyaabaha uu qaban doono hadduu xilkan ku guuleysto.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *