Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhoweeyey Baydhabo

Published: November 22, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

“Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkan waa mid shaqo oo qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgeliyey, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur Galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen”.

RW Rooble

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta Dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *