Raisal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wasiirada Iyo Odayaasha Koonfur Galbeed

Published: November 22, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-gobolleed” 

RW Rooble

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa odayaasha dhaqanka uga warramay ujeeddada socdaalkiisa Koofur Galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *