Roobab Xoog Leh Oo Ka Da’aya Gobolada Bari, Karkaar Iyo Gardafuu

Published: November 22, 2020

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa roobab xoog leh oo dabaylo wata ka da’ayeen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka Puntland, gaar ahaan gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu, xili digniino loo dirayo deegaanada xeebaha leh.

Khasaare ayaa ka dhashay roobabkaasi, waxaana kamid ah degmooyinka uu saameeyey degmada Iskushuban oo ka tirsan gobolka Karkaar halkaas oo ay guryo badan jiingadihii ama saqafkii ka kaceen, isgaarsiinta ayaaa ka go’day, waxayna biyuhu ay la tageen xoolo tira badan, dadka reer guuraaga ah ayaa u baxay dhulalka sare, waxaa jira deegaano kale oo ka tirsan gobolka kuwaas roobabku ka da’een sida Bayla, Qardho, Kuluule iyo Caris balse wax dhib ah lagama soo sheegin.

Dhamaan shanta degmo ee gobolka Gardafuu ayey roobabkaasi ka da’een, waxaana lagu soo waramayaa deegaanka Xoogaad oo hoostaga degmada Bareeda ee Gardafuu in roobabku dumiyeen guryo qaar kalena saqafkii ka kacay, beero ku yaallayna biyuhu la tageen.

Sidoo kale dhamaan degmooyinka gobolka Bari ayaa kamid ah degmooyinka roobsaday, balse ma jiraan khasaare ah oo ka dhashay roobabkaasi.

Puntland, Dowlada Federaalka iyo Kooxaha Saadaasha hawada ayaa maalmihii ugu dambeeyey dirayey fariimo digniin ah oo ku saabsan roobabkan duufaanta wata oo kusoo wajahannaa deegaanada xeebaha gaar ahaan dhulka bariga ah sida Boosaaso, Iskushuban iyo Xaafuun.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *