Maamulka Gobolka Bari Oo Sheegay Inuu Khasaare Geystay Roobkii Ka Da’ay Magaalada Boosaaso

Published: November 23, 2020

Maamulka Gobolka Bari ayaa ka hadlay roobab xoog leh oo 24kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari, kuwaas oo sababay khasaare hantiyadeed.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo kormeeray goobaha uu saameynta ku reebay roobabka ilaa xalay ka da’ayay magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay inay roobabku dumiyeen guryo badan, balse ma sheegin tirakoobka saxda ah.

Waxay sheegeen inay heegan galiyeen dhamaan ciidamada si ay dadka gurmad ugu fidiyaan haddii ay roobabku sii bataan, maadaama ay jiraan dad ay guryihii ka qoyeen gaar ahaan dadka danyarta ah iyo barakacayaasha.

Dadka ayey ugu baaqeen inay ka fogaadaan dhulalka godan, isla markaana muujiyaan taxadar dheeri ah, waxayna illaahay uga baryeen inay roobabku noqdaan kuwo kheyr wata oo alle dadka wax ku yeellin.

Boosaaso waxaa hakad galay isu-socod magaalada, maadaama ay biyo xoog leh kusoo dhaceen waddooyinka, waxaana jira guryo ay dumiyeen kadib markii ay galeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *