Puntland Oo Magacawday Guddi Degdeg Ah Oo Qiimeeya Khasaaraha Duufaanta Gati – VIDEO

Published: November 23, 2020

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-Xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hadda Shir-guddoomiyay Shir Gole Wasiir oo deg deg ah kaasi oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay deegaan xeebeedka Gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu sida Xaafuun, Hurdiya, Garduush, Taageer, Gunbax, Foocaar iyo magaalada Boosaso oo labadii tog biyuhu marayaan.

Guddiga oo ka kooban 11xubnood, waxay kala yihiin:-

  1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye).
  2. Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin).
  3. Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin).
  4. Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin).
  5. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska (Xubin).
  6. Dr, Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).
  7. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta (Xubin).
  8. Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada (Xubin).
  9. Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha (Xubin).
  10. Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin).
  11. Cumar Xasan Fiqi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda (xubin)
  12. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay’ada HADMA (Xoghayn)

7 qof oo u dhashay dalka Yeman ayaa ku dhintay Duufaanta GATI sida ay sheegtay dowladda Puntland, 6 doonyood ayaa soo caaryay waxaa sidoo kale go’an Isgaarsiinta.

Xoolo badan ayaa le’day , Guryo badanna waa ay dumeen waxaana sidoo kale aan la ogayn khasaaraha dhabta ee duufaantu gaystay maadaama Isgaarsiinta meelaha qaar ay go’an tahay.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *