Qoor-Qoor Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya

Published: November 23, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa qaar kamid ah musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee kasoo jeeda Galmudug casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho.

Kulanka masuuliyiinta kasoo qeybgalay waxaa kamid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyo Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow.

Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi oo looga arrinsanayey maareynta marxalada kala guurka ah iyo masiirka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *