Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Oo Ku Biiray Shirka Musharaxiinta

Published: November 23, 2020

Shirka musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya oo maalintii seddexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa ku biiray qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi sida guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, wasiir hore xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo xil. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo labaduba ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka iyo guddoomiyihii hore ee maxkamada sare Ibraahim Iidle Sulayman.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay musharaxiinta u sameeysan lahaayeen golle is-baheysi oo mid ah.

Mas’uuliyiintan ka soo jeeda gobolada Waqooyi ayaa la filayaa inay warbixin siiyaan Musharaxiinta Madaxweynaha, si ay uga hadlaan muranka ka taagan guddiyada doorashada iyo qaabka aysan ugu qanacsaneyn sida ay Xukuumadda wax u wado.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer federaal iyo kuwa maamulaya doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo dowladda ay magacawday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *