Farmaajo oo soo dhaweeyey dagaalka Abiy Ahmed kula jiro Tigrayga

Published: November 24, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Lataliyaha Amniga ee Raysalwasaaraha Itoobiya oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Gedu Andargacho ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya warbixin kasiiyey hawlgalka ciidamada Federaalka kula dagaalamayaan Ismaamulka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaludin Mustafa oo kulankan ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweeyey hawlgalka lagu sugayo midnimada iyo amniga dalka Itoobiya.

Booqashada Sarkaalka ka yimid Itoobiya ayaa lagu soo beegmay maalmo kadib markii xilka laga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka horyimid qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu taageeray dagaalka ka socda gobalka Tigrayga.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xiligan ku jira asbuucii 3aad ee dagaalka uu kula jiro maamulka Tigrayga ayaa ka dhego-adeegaya baaqa uga imaanaya Beesha Caalamka oo kula taliyey inuu joojiyo dagaalka socda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *