Jeneraal Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Published: November 24, 2020

Allaha u naxariistee Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay arrimo caafimaad u joogay dalka Turkiga.

Jeneraalka oo kamid ahaa aasaasayaashii iyo Ganacsatada Puntland ayaa kamid ahaa murashaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland.

Marxuumka ayaa muddooyinkii danbe ahaa Lataliyaha Amniga ee Madaxweynaha Puntland.

Gen.Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga Puntland, ayaa kamid ahaa Saraakiishii sare ee ciidamada Cirka ee Qarankii Soomaaliya.

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii, halkaasi oo uu kusoo qaatay waxbarashadiisii hoose & dhexe. Dugsiga sare ayuu ka dhigtay iskuulka Jamaal Cabdinaasir ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1974-kii ayuu dhamaystey Jaamacad ku taala dalka Ruushka oo uu kusoo qaatay tababarkiisa Duuliye sare (Pilot) xiligaasi oo uu ka tirsanaa ciidamadii Difaaca cirka ee Soomaaliya, isagoo ugu danbeyntii noqday Taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii Soomaaliya.

Sanadkii 1986-kii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala Mareykanka shahaadada Master-ka, siiba cilmiga Master of Business MBA Leadership, Human Resource & Management.

Bahda Horseed Media waxay tacsi u direysaa qoyska iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, rabbi ha u naxariisto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. inaa lilaahi wa inaa ilaahay rajucuun allah janadi fardowsa haka waraabiyo eheladi iyo warabadiina Samir iyo imaan iyo dhamaan dadka afsoomaliga ku hadla
    aamiin aamiin aamiin