Maamulka Trump oo bilaabay hawlaha xil-wareejinta

Published: November 24, 2020

Hay’ada dowlada Maraykanka u qaabilsan xil-wareejinta ee loo yaqaan US General Services Administration (GSA) ayaa markii ugu horeysay aqbashay in Joe Biden uu diyaariyo maamulka xilka la wareegi doona.

Go’aanka hay’adan ayaa la shaaciyey kadib markii gobalada Maraykanka qaarkood ay isniintii shalay ansixiyeen natiijadii doorashada sida gobalka Michigan oo kamid ahaa gobaladii uu Donald Trump ka waday isku-day lagu laalayo natiijada codbixintii dhacday bilowgii bishan November.

Trump iyo kooxdiisa ayaa sidoo kale guuldaro kala kulmay kiis ay hordhigeen Maxkamada gobalka Pennsylvania oo ay ku codsadeen in la tuuro in ka badan 7 milyan cododkii gobalkaasi, arrintaasi oo uu ka diiday Garsoorihii maxkamada gobalkaasi oo ku sheegay codsiga kooxda Trump mid aan macquul ahayn.

Hay’ada qaabilsan arrimaha xilwareejinta ee loo yaqaan GSA ayaa horey u hakisay hawlaha xilwareejinta sida bixinta miisaaniyada loogu talogalay murashaxa guuleystay Joe Biden inuu ku dhiso maamulkiisa, ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku doodayey inay ka warsugayaan dacwadaha kooxda Trump u gudbiyeen maxkamada dalkaasi.

Trump ayaa soo dhaweeyey Go’aanka hay’ada GSA, walow uu weli ku doodayo inuu sii wadi doono dadaalka uu doonayo inuu wax uga bedalo natiijada doorashada.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *