Sacuudiga oo beeniyey in ay kulmeen MBS iyo Netanyahu

Published: November 24, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa beeniyey warar ay shaaciyeen warbaahinta Israel Isniintii shalay iyagoo sheegayey in kulan qarsoodi ah dhexmaray Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Warbaahinta Israel ayaa Isniintii sheegay in diyaarad khaas ah ay ka qaaday magaalada Tel Aviv Raysalwasaarahooda Benjamin Netanyahu iyo Madaxa sirdoonka Mossad kuwaasi oo kulan qarsoodi ah magaalada NEOM ee dalka Sacuudiga kula yeeshay MBS.

Warkan ayaa laga soo xigtay Wasiirka Waxbarashada ee Israel, Netanyahu laftiisa ayaa ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlo.

Kulankan ayaa la sheegay in lagu beegay xili uu isla magaaladaasi booqanayey Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo oo gobalka socdaal ku marayey.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga ayaa sheegay inuu ka qeyb galay kulankii dhexmaray Wafdiga Maraykanka iyo Maxamed Bin Salmaan isla markaana aysan jirin wafdi ka socday Israel oo goobtaasi ku sugnaa.

Maaha markii ugu horeysay oo ay soo baxaan warar sheegaya in kulan qarsoodi ah dhexmaray MBS iyo Netanyahu sidan oo kale ayey Sacuudiga u beeniyeen in labada hogaamiye kulmeen bishii Feberaayo ee sanadkan.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *