Tigrayga oo sheegay inaysan isu dhiibi doonin Abiy Ahmed

Published: November 24, 2020

Hogaamiyaha maamulka Tigrayga ayaa qaadacay baaqii Axadii lasoo dhaafay kasoo baxay Abiy Ahmed oo u qabtay xoogaga Tigrayga inay hubka dhigaan illaa Arbacada beri ah.

Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in Abiy Ahmed ku riyoonayo in ay Tigrayga isu dhiibaan taliskiisa, balse wuxuu sheegay in Abiy uusan aqoon fiican u lahayn shacabka Tigrayga.

“….Nama yaqaan, waxaan nahay dad diyaar ah inay u dhintaan xoriyadooda iyo ismaamulkooda…” ayuu yiri hogaamiyaha Tigrayga oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP.

Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka ay la kulmeen jab xoogan isla markaana baaqa Abiy Ahmed uu yahay mid uu wakhtiga ku dheeraysanayo.

Maamulka Tigrayga ayaa maanta oo Salaasa ah sheegay in gebi ahaan ay burburiyeen guutadii Taangiyada ee ciidamada Federaalka.

Dhinaca kale Taliyaha ka tirsan ciidamada Federaalka Jeneraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay inay hada 60km u jiraan magaalada Maqale (Mekelle) ee xarunta Tigrayga, isagoo sheegay inay weeraro culus ku qaadi doonaan magaaladaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay halkaasi isaga baxaan.

Ururada u dooda xaquuqul-insaanka ayaa cambaareeyey hadalka kasoo baxay ciidamada Federaalka Itoobiya iyagoo sheegay in ay ka horimaaneyso sharuucda caalamiga ah in magaalo boqolaal kun oo qof ku nool yihiin si aan kala sooc lahayn weerar duqeyn ah loogu qaado.

Isniintii shalay ayey markale Tigrayga duqeyn la beegsadeen caasimada ismaamulka Amxaarada ee Bahir Dar, gantaalada laga soo tuuray dhanka Tigrayga ayaa ku dhacay nawaaxiga Madaarka magaalada Bahir Dar, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Ciidamada Tigrayga ayaa la sheegay in xoogooda ay isku aruursadeen nawaaxiga caasimadooda Maqale iyagoona burburiyey wadooyinka taga magaaladaasi iyo goobihii ay ka baxeen.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *