Turkiga oo Cambaareeyey Ciidamada EU oo baaray Markab u socday Liibiya

Published: November 24, 2020

Dowlada Turkiga ayaa cambaareysay baaritaan ay ciidamada badda ee ka socda Midowga Yurub ku sameeyeen Markab Turkida leedahay oo cunto u siday wadanka Liibiya.

Ciidamada kasoo jeeda dalka Germany oo qeyb ka ah ciidamada EU-da ee ku sugan xeebaha Liibiya ayaa baaritaan ku sameeyey Markabkan lagu magacaabo Rosaline A oo siday 16,000 tan oo Konteenaro ah.

Ciidamada ku sugan xeebaha Liibiya ayaa sheegay inay illaalinayaan cunaqabateynta hubka ee saaran wadanka Liibiya, walow baaritaankii Markabkaasi lagu sameeyey laga waayey wax hub ah.

Ciidamada Germany oo baaraya Markabka laga leeyahay Turkiga

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in baaritaankaasi uu ahaa sharci daro, isla markaana Markabkaasi uu siday cunto iyo qalabka dhismaha oo kaliya.

Dhacdadan ayaa markale soo nooleysay xiisada ka dhex taagan dalalka EU-da iyo Turkiga ee ku aadan xaalada dalka Liibiya.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *