USA: Biden oo soo bandhigay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada

Published: November 24, 2020

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa soo bandhigay markii ugu horeysay xubnaha uu soo xushay ee qaban doona xilalka muhiimka ah ee Xukuumadiida.

Xubnaha la soo bandhigay ayaa waxaa kamid ahaa:

Antony Blinken – Xoghayaha Arrimaha Dibada
Mr.Blinken ayaa muddo ka badan 20 sano lasoo shaqeenayey Joe Biden, xilalkii kala gedisnaa ee uu kasoo qabtay, isagoo u ahaa Biden la taliye. Wuxuuna horey usoo noqday kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha dibada ee Dowladii Obama. Qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku dhaliilay mas’uulkan inuu xiriir dhaw la leeyahay maamulka Israel.

Alejandro Mayorkas – Xoghayaha Amniga Guddaha
Mr.Mayorkas ayaa noqonaya ninkii ugu horeeyey ee kasoo jeeda Latinka oo qabta xilkan muhiimka ah ee Amniga Guddaha Maraykanka. Wuxuu sidoo kale horey uga soo shaqeeyey maamuladii hore ee dimuquraadiga.

Ms.Avril Haines – Agaasimaha Guud ee Hay’adaha sirdoonka
Waa markii ugu horeysay oo xilkan loo magacaabo qof dumar ah, waxayna Ms.Haines Agaasime kuxigeen uga soo noqotay hay’ada sirdoonka ee CIA.

Ms. Linda Thomas Greenfield – Safiirka Maraykanka ee UN-ta
Linda oo ah qof kasoo jeeda Madowga Maraykanka ayaa ah dilumaasiyad khibrad dheerleh, waxayna horay usoo noqotay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka ee qaabilsan Qaarada Afrika, Biden ayaa sheegay in ay haweenaydan noqon doonto dadka hogaamin doona siyaasada arrimaha dibada ee xukuumadiisa.

Jake Sullivan – Lataliyaha Amniga Qaranka
Wuxuu kamid ahaa lataliyaasha khaaska ah ee Joe Biden horey ulla soo shaqeeyey, wuxuuna ahaa Lataliyihiisa sare ee arrimaha dibada iyo gudaha xiligii uu Joe Biden ku jiray ololaha doorashada.

John Kerry – Ergayga Maraykanka u qaabilsan Cimilada
Kerry oo horey usoo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibada, Senator iyo Murashax Madaxweyne ayaa kamid ahaa hogaamiyayaasha Dimuquraadiga ee muddooyinkii danbe ka shaqeenayey arrimaha la xariira isbedalka cimilada iyo sidii caalamka uga hortagi lahaa. Xilkan ayaa ah mid ku cusub Golaha Wasiirada ee Maraykanka, wuxuuna Joe Biden sheegay in magacaabista xilkan iyo Mr.Kerry ay muujineyso sida ay uga go’antahay in wax laga qabto isbedalka ku imaanaya cimilada Caalamka.

Dadkan aan soo magacaabay waa kuwo aan ka doonayo inay isaxaan oo igu jiheeyaan wadada saxda ah ee maaha kuwo aan doonayo inay iisheegaan oo kaliya waxaan doonayo.

Joe Biden

Joe Biden ayaa sheegay in xubnahan ugu horeeyey ee uu soo magacaabay ay dib usoo celin doonaan sumcadii iyo sharaftii dalka Maraykanka ku lahaa caalamka.

Xubnaha lasoo magacaabay ayaa uga duwan xukuumadii wakhtigeeda dhamaaday ee Donald Trump inay yihiin dad khibrad dheerleh oo horey uga soo shaqeeyey dowladhii hore.

Dhinaca kale xukuumada cusub ayaa la filayaa inay bedasho sharuucdii xukuumadii Trump burburiyeen sida xaquuqdii qaxootiga iyo dadka soogalootiga ah.

Khalid Yusuf
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *