Baarlamaanka Puntland Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Published: November 25, 2020

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulankii 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee golaha ku yeeshay magaalada Garoowe, waxaana kulankaas shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jirbriil.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda dowlada Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee dastuurka Puntland iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee xeer-hoosaadka golaha wakiillada Puntland.

Dooda odoroska miisaaniyadda sanadka 2021 ee golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood ka dib, xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda dowlad goboleedka Puntland ee sanadka 2021, waxaana horey miisaaniyadda u soo ansixiyay golaha wasiirada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Maalin wanaagsan Somalia, Cadawga Ethiopia iyo Eratreya col ayey uuihiin Dadka
    Iyo dalka Somalia. Hub iyo cidan ayaa amniga Somalia Sugira