Argentina oo 3 maalmood oo baroordiiq u qabaneysa geeridii Maradona

Published: November 26, 2020

Dowlada Argentina ayaa ku dhawaaqday sadex maalin oo baroordiiq ah kadib geeridii shalay ku timid xiddigii kubada Cagta Diego Maradona oo u geeriyooday wadno-xanuun bil kadib markii uu 60 sano jirsaday.

Maradona ayaa horaantii bishan lagu sameeyey qaliin dhiig maskaxda fariistay.

Meydka Maradona ayaa maanta oo Khamiis ah la dhigayaa Madaxtooyada dalka Argentina si ay dadka u soo booqdaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *