Cumar Filish Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Musharaxiinta Madaxweynaha – VIDEO

Published: November 26, 2020
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo ka hadlayay qoddobadii ku jiray War-murtiyeedkii maanta kasoo baxay midowga musharixiinta ayaa ku tilmaamay wax aan shaqaynayn.

Cumar Filish ayaa sheegay in murashixiinta Mucaaradku ay yihiin kuwo lasoo dirsaday, oo aan doonayn danaha dadka iyo dadka, isagoo intaas ku daary in dalka aysan wax khalaase ah ka gaysan karin haba yaraatee.

” Iskuma dayi karaan in ay qash-qashaad yar ka sameeyaan xasiloonida ka jirta dalka, ayaguna waa ay ogyihiin inaysan dalkaan nabadgalyadiisa waxba u dhimi karin, balse waxaa ay doonayaan oo kaliya kuwa soo dirsaday in ay u muujiyaan in ay shaqeeyeen”.

Cumar Filish

Wuxuu sheegay in amniga caasimadda uu mas’uul ka yahay, ayna waxba ka qaadi karin kuwa uu ku sheegay qas-wadayaal, isagoo xusay inay iska celin doonaan Siyaasiyinta mucaaradka haddii ay isku dayaan wax yar oo qala-laase siyaasadeed ah.

” Waad ogtihiin waxey soo alifeen Cumar Filish xilka waa laga qaaday, waayo waxey ka wadaan Nin aan fowddo yeeleynin waaye, waa run aniga fowdo ma yeelayo gobolkan aniga ayaa wax leyga weydiinayaa bootada ay akhrinayaan car afka ha soo dhaafto, hadii ay soo dhaafto maxaa dhacayo meeshii laga soo diray ayeey u carari doonaan warkaa ha i loobina”

Cumar Filish

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *