Dowlada France Oo Soomaaliya Ka Cafisay Lacag Dhan $306 Milyan

Published: November 26, 2020

Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag dayn ah oo dhan $306-Million (saddex boqol iyo lix milyan oo doollar), kadib heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo Safiirka Dowladda Faransiisika ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Ménager.

Wasiir Beyle oo ka hadlay talabadaan ay dowladda faransiisku ku cafisay dayntan ay Soomaaliya ku lahayd, ayaa sheegay in wasaaradda maaliaydda ay xilgaar ah iska saartay sidii looga cafin laha daymaha lagu leeyahay.

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyay……….heshiiskaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ay gaareen March 2020, guushaan taariikhiga ah ee aan maanta gaarnay waxa ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka”.

Wasiir Beyle

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *