IRAN oo siideysay haweenay ajnabi ah oo ay ku eedeysay Basaasnimo

Published: November 26, 2020

Dowlada Iran ayaa xabsiga kasii daysay Ms. Kylie Moore-Gilbert oo ahayd khabiir dhanka Barriga Dhexe oo heysata dhalashada dalalka UK iyo Australia.

Ms.Gilbert oo u shaqeenaysay Jamaacada Melbourne qeybteeda (Islamic studies) ayey ciidamada Iran xireen sanadkii 2018 iyadoo lagu eedeeyey inay wax basaaseysay, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Siideynta haweenaydan ayaa la sheegay inay dowlada Iran ku bedalatay sadex nin oo u dhashay Iran oo dibada ku xirnaa.

Sadexda nin ee Iran ku bedalatay haweenaydan ayaan xogtooda la shaacin, balse sida ay warinayaan qaar kamid ah warbaahinta caalamka, sadexdan ayaa kamid ahaa koox ka socotay sirdoonka Iran oo sanadkii 2012 lagu qabtay dalka Thailand iyagoo doonayey inay qarxiyaan diblumaasiyiin ka socotay Israel.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *