Shariif Sheekh Axmed Oo Lagu Soo Dhoweeyey Baydhabo

Published: November 26, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga murashaxiinta Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel-gaarka ah ee Koofur Galbeed.

Shariifka ayaa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiinta ugu saraysa Koonfur Galbeed sida guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, xildhibaano, senataro iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa la xariira ololihiisa musharaxnimo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *