Somaliland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Lix Qof

Published: November 26, 2020

Xukuumada Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay lix ruux oo loo haystay inay in ay horey dilal u geysteen, maxkamada Somaliland ayaana horey dil ugu xukuntay, inkastoo qaar ka mid ah eheladooda ku tilmaameen xukunkaasi inuu ahaa mid sharci darro ah.

Maanta oo khamiis ah ayey fulinta xukunka toogashada ah ka dhacday duleedka Xabsiga weyn ee Mandhera ee gobolka Saaxil.

Magacyada lixda ruux ayaa kala ah:

1-Yaasiin Maxamed Yuusuf.
2-Sharma’arke Sahal Oogle.
3-Quulle Maxamed Cilmi.
4-Khaalid Cabdi Xaydar.
5-Khadar Maxamed Warsame iyo Cabdikariin Maxamed Mahdi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *