USA: Trump oo cafis u fidiyey Lataliyihiisii hore!

Published: November 26, 2020

Madaxweynaha Maraykanka ee wakhtigiisa dhamaaday Donald Trump ayaa cafis Madaxweyne u fidiyey Lataliyihisii hore ee Amniga Qaranka Michael Flynn oo kamid ahaa xubnihii la shaqeenayey Trump ee danbiyada lagu helay xiligii baaritaanka lagu waday xiriirka ka dhaxeeyey kooxda Trump iyo Ruushka.

Jeneraalkan Michael Flynn oo kamid ahaa kooxdii ololaha doorashada Trump sanadkii 2016 ayaa lagu helay denbiyo ah inuu been u sheegay hay’ada danbi-baarista Maraykanka FBI ee baareysay farogelintii dalalka shisheeye kusameeyeen doorashadii Maraykanka.

Flynn ayaa sanadkii 2017 qirtay inuu been u sheegay FBI-da kadib markii su’aalo laga weydiiyey xiriirkii uu lalahaa Safiirkii Ruushka u fadhiyey dalka Maraykanka Sergey Kislyak.

Trump ayaa la filayey inuu awoodiisa cafinta u adeegsan doono siideynta xubnihii la shaqeenayey kahor intuusan xilka ka degin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *