Gen. Khaliif Ciise Mudan Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Garoowe – VIDEO

Published: November 27, 2020

Waxaa maanta aas-qaran loogu sameeyey magaalada Garoowe, alle ha u naxariistee Gen.Khaliif Ciise Mudan oo

Madaxweynaha Dowlada Puntland, Ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidamada, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Garoowe.

Gen.Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga Puntland, ayaa kamid ahaa Saraakiishii sare ee ciidamada Cirka ee Qarankii Soomaaliya.

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii, halkaasi oo uu kusoo qaatay waxbarashadiisii hoose & dhexe. Dugsiga sare ayuu ka dhigtay iskuulka Jamaal Cabdinaasir ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1974-kii ayuu dhamaystey Jaamacad ku taala dalka Ruushka oo uu kusoo qaatay tababarkiisa Duuliye sare (Pilot) xiligaasi oo uu ka tirsanaa ciidamadii Difaaca cirka ee Soomaaliya, isagoo ugu danbeyntii noqday Taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii Soomaaliya.

Bahda Horseed Media waxay tacsi u direysaa qoyska iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, rabbi ha u naxariisto.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *