Axmed Madoobe: “Doorasho Aan Gedo Ka Qabanayn Kismaayo Kama Qabanayo” – VIDEO

Published: November 28, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, ayaa ka hadlay doorashooyinka dhammaadka sanadkaan 2020/2021 ka dhacaya iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Axmed Madoobe oo todobaayadii ugu danbeeyey ku maqnaa dalka dibadiisa, ayaa shuruud uga dhigay dowlada federaalka in magaalada Garbahaarey ay ka dhacdo doorashada xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay in halkaas doorashada uga dhici karto oo kaliya markii Gobolka Gedo laga saaro ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya, gacanta Jubbalandna lagu soo celiyo.

” “Dadka maanta Mas’uuliyadda dowladda Federaalka ay saaran tahay ee Madaxweynaha iyo cida kale waa inay kala saaraan habraaca doorashada…….Ma qaban karo doorasho aanan Gedo ka qabanayn Kismaayo inaan ka qabto diyaar uma ahi “

Axmed Madoobe

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in laga sugayo soo magacaabista Guddiyada doorashooyinka, balse halkii ay howlgeli lahaayeen ee Kismaayo iyo Garbahaarey lagu sii daayay wax uu ugu yeeray Jabhado sheeganaya inay ka tirsan maamulkiisa ee Jubbaland.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *